Xarunta La-tashiga – Guriga Isdhexgalka

Xarunta La-tashiga – Guriga Isdhexgalka
Waxaan kaa caawinaynaa su’aalo badan: tusaale ahaan nidaamka magangalyo, shaqo iyo waxbarasho, caafimaad, guri iyo waxyaabo kale.
Waxaan ku caawinnaa buuxinta codsiyada, waxaan kuu sharaxnaa xuquuqdaada, waxaanan ku siinnaa macluumaad ku saabsan taageerada dhaqaale.
La-tashigu waa bilaash oo waxaa lagu heli karaa luqado badan.

Latalinta guud ee cilmi-nafsiga

  • Waxaan helay waraaq mana fahmaayo waxa ku qoran.
  • Wax lacag ah kama helo Caritas ama hay’adda cayrta bixisa
  • Waxaan qabaa su’aalo la xiriira codsigeyga qaxootinimo.
  • Waxaan u baahanahay in la iga caawiyo codsiyo kala duwan

Dumarka

  • Waxaan ka baqayaa inaan guriga aado. Maxaan sameeyaa?
  • Waxaan leeyahay uur, kaligay ayaana ahay.
  • Waxaan rabaa in ninkeyga i furo (furriin).

Caafimaad

  • Ma lihi caymis caafimaad.
  • Waa xanuunsanahay oo shaqo ma qaban karo. Maxaan sameeyaa?
  • Ilmahaygu wuxuu leeyahay baahi gaar ah. Halkee ayaan caawimaad ka heli karaa?

Dhibaatooyin nafsi

  • Mararka qaar aad ayaan u murugoodaa ama u cabsadaa.
  • Hurdo ma seexan karo.
  • Waxaan aad uga walwalaa reerkeyga.
  • Waxaan rabaa qof aan kala hadlo arrimahayga iyo welwelkayga

Dhallinyarada iyo dadka da’da yar

  • Waxaan u baahanahay macluumaad ku saabsan koorsooyinka, iskoollada iyo waxbarashada.
  • Sideen ku heli karaa kaar tareen (fahrkarte) oo qiimo jaban?
  • Waa la igu dacweeyey. Maxaan sameeyaa?

Guriga

  • Waxaan raadinayaa guri.
  • Waxaa deyn iguleh qofka guriga iga ijaaray ama shirkadda Wien Energie (korontada).
  • Waxaan dhib kala kulmaa qofka guriga iga ijaara, wuxuuna iga haayaa cadaadis.

Shaqo iyo Waxbarasho

  • Waxaan raadinayaa koorso, iskool ama waxbarasho (tababar).
  • Waxaan raadinayaa shaqo. Sideen u qori karaa taariikh nololeed (CV) iyo codsi shaqo?
  • Waxaan wax ku soo bartay dalkaygii hooyo. Sideen waxaas ula jaanqaadi karaa marka aan Austria joogo?

Die Beratungsstelle für Asylwerber*innen und Flüchtlinge in der Grundversorgung im Integrationshaus wird gefördert durch den Fonds Soziales Wien:
 

Xiriir

Adeegga degdegga ah
Tel.: +43-1-33 44 592
journaldienst@integrationshaus.at

Cinwaanka

Xarunta talo-bixinta ee dadka qaxootiga iyo codsadayaasha magangelyada ee ku jira caawinta aasaasiga ah

Schweidlgasse 38
1020 Wien

Gelitaanka xarunta talo-bixintu waa mid dadka naafo ahna u sahlan yahay.

Saacadaha furitaanka

Isniin: 9:00 - 13:00 / 14:00 - 16:00
Talaado: 9:00 - 13:00 / 14:00 - 16:00
Arbaco: 9:00 - 13:00
Khamiis: 9:00 - 13:00 / 14:00 - 17:00
Jimco: 9:00 - 12:00